Inspirational journeys

Follow the stories of academics and their research expeditions

Waa kuwan dadkaygu!

Gulaid Casaan

Tue, 22 Oct 2024

Waa kuwan dadkaygu!
Dadkani waa dadkaygii oo iyaga ayaan isku tiriyaa
Waxa jira jaad dadka ka mid ah oo aan jeclayn in ay guryahooda uga baxaan dan la’aan, waxa ay jecelyihiin in ay fadhiyaan guryahooda oo keliya oo aanay cidina ka jiidhin, hadii ay baxaanna - waaba hadii ay dhacdo e’- waxa ay aad ugu xiisaan kelinimadoodii ay gaarka ku ahaayeen.
Dadkaasi waa isla dadka leh saaxiib keli ah ama laba … saddexba dheh ugu badnaan, ma saaxiib badna se waa asxaab ay aad iyo aad ay isugu fogyihiin, oo maxay macaan leedahay asxaab badan oo aanay wax badani ka dhaxayn shaah iyo moobil la isla ag fadhiisto mooyaane.
Dadkan ma jecla in ay cid wacaan ama in lasoo waco, moobilkoodu inta badan waa aamusanyahay (Silent), cid ma raadsadaan iyana lama raadsado…hadalka badan iyo waraysiyada dhaadheer ma jecla.
Baraha bulshada kuma firfircoona oo waxba ma soo dhigaan, sawiro ma galaan hadii ay galaanna waxa ay ku kaydsadaan moobilka intaas ayaa ka badan oo xasuus reeb ugu filan.
Waxa ay jecelyihiin akhriska, bunka, daawashada deegaanka iyo abuurka Rabbi ee qurxoon sida badaha, buuraha, bananka iyo dhalaalka samada marka uu dayaxu buuxo ama gudcurka ay tahay xidiguhuna ay widhwidhayaan.
Waa dad iska faraxsan oo mar walba weji furfuran, hadii ay dhibi jirtona inteeda kama weyneeyaan, ma jecla catawga iyo calaacalka, waxa ay aaminsanyihiin inta aad niicda badin lahayd kac oo qabo wixii itaalkaaga ah.
Inta ay joogaan keligood waa mar ay fekerayaan, iyo mar ay wax akhriyayaan iyo mar ay wax qorayaan.
dadkaasi waa dadkaygii oo iyaga ayaan isku tiriyaa anigu, waa aanu yarnahay waxana na fahmi kara uun mid naga mid ah.
Barasho wanaagsan sxb.

0 Comments

Leave a comment

Categories

Recent posts

Waa kuwan dadkaygu!

Thu, 09 May 2024

Waa kuwan dadkaygu!